Dufacadii labaad iyo sadexaad ayaa maanta ka qalan jabiyey jamacada
PSU ee Magalada garowe kuwaas oo Tiradoodu ay gaaraysay 63 arday oo ka
baxay kuliyadaha Maamuylka iyo Maraynta iyo dhaqalaha Kuliyada Kale
Munaasabad balaran oo laguq abtay xarunta Jamacada PSU isla markaasna
lagu gudoonsiinayey ardaydaan dhamaystay Jamacada shahadooyinka ayaa
waxaa ka soo qayb galay wasiro ka tirsan Maamulka puntland Maamulka
Jamacada ardaydii dhamaysatay waxbarasahda Walidiintoodii waxaana ay u
muuqatay Xafladu mid si heer sare ah loo soo agaasimay lagana
shaqeeyay.
Madaxa Jamacada PSU ee Garowe Maxamuud Shiikh Xaamud oo ugu horayn ka
hadlay ayaa tilmaamaya arayda dhamaysatay jamacada inta ay ku soo
jireen waxbarashada iyo Tarikhda jamacada oo kooban, waxaana uu yiri
waa hormar wanaagsan in ay manta rufcadii 3aad ay ka baxaan Jamacada
oo ay bartaan Maamulka Maraynta iyo Dhaalaha, guulna ay u tahay
Jamacada iyo dalkaba halka markii hore dibada loo aadi jiray marka uu
ardaygu dhamaysto Dugsiga sare oo dalka uu hada ku baranayo

Wasir ku xigeenka waxbarasahda Puntland Maxamuud Maxamed Idiris ayaa
sheegay in waxbarashada puntland hada meesha ay joogto loo bahan yahay
in kor looga sii qaado, wasarada waxbarashada iyo Bahda waxbarashada
jecelna y u tahay hormar ay ku fani karaan

Muhiimada ardayda dhamaystay jamacada waxaa ay tahay in ay helaan
shaqooyin si aysan ugu biiri dhalinyarada kale oo aan nasiibka u helin
in ay shaqaystaan waxbarashadoodii kadib, oo qaybtood ay ku biireen
Burcada halka kuwa kalena ay darbiyada iyo goobaha lagu shaxo ay iska
fadhiyaan, iyagoon wax shaqo ah hayn hadaba taas waxaa manta ka
jawaabay Wasirka shaqada iyo shaqalaha dhalinyarad iyo siportiska
C/wali Xirsi indha guran oo ka hadlay qalin jabintii ardayda manta
balana qaday in ay shaqooyin la baadi goobayan

 

 

 

 

Ardaydii ka baxay Jamacada PSU ee Garowe lana gudoonsiiyay
Shahadooyinka ayaa waxaa ay dareenkooda ku cabireen in ay aad ugu
faraxsan yihiin mudo 4 sano ka dib in ay dhamaysteen Jamacadii ay ku
haminayeen in ay dhamaystaan,

Abaabulka iyo ka qayb qadashada marka laga yimaado ardayda iyo
maamulka Jamacada PSU ee soo qaban qabida xaflada waxaa gacan ka
gaystay Shirkada isgariisnta ee ee Golis kana dhex muuqatay manta.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe