Dalka Koonfur Africa ayaa  waxaa ku nool Soomaali aad u fara badan kuwaasi oo maalin walba wax kaayaabiya aad ku dhex arkeyso, markan waxaa maalintii shalay ehed dharaar cad toorey la soo dhex qaaday dadweyne muslimiin ah oo ka soo baxay masjidka nin dhalinyaro ah oo halkaas ku tooreeyay ugu yaraan lix qof oo masjid ka soo baxay.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka wada yaabisay dadweynahaa ku nool xaafada Bellville oo dhan ka dib markii laga wada war helay ninkan oo magaalada ku dhex ceyrsanaya boolis ka dib markii uu lix qof oo Soomaali ah la soo riday toorey.

Saxafi ku sugnaa goobta oo SBC la hadlay ayaa sheegay in ninkan uu u muuqday qof miyir qaba oo aysan waxba ka qaldaneyn xiligii booliska ay qadayeena uu dadka ku qaylinayey isagoo leh “hala iga bad-baadsho booliska “.

Ninkan ayaa dhawaan sidoo kale qaarajiyay nin ay raadsanayeen booliska dalka Koonfur Africa asagoo ku bireeyay toorida uu muwaadiniinta Soomaaliyeed u adeegsaday.

Saxafiyaal booqday xabsiga loo dhaadhiciyay gacan ku dhiiglaha ayaa sheegay in uu diiday in ay wax su’aalo ah weydiiyaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago, dadkii la dhaawacay ayaa wax midkood laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad oo wali lala tacaalayaa sida ay sheegeen dhaqaatiirta xaaladiisa la socota.

 Waa dhacdo ugub ah oo ku cusub dadka Koonfur Afrika arintan, waxaa la yaqaanay oo kaliya in Soomaalida muranka soo gala dhex galo ay is tooreeyaan balse tani dad aan wax galabsan oo wajibaadka ALLE soo gutay ayaa lagula kacay.

Saadaad Ahmed Gobey
SBC international
Cape Town-Koonfur Afrika