London:- inkabadan 50 hay’adood oo caalami ah ayaa ku baaqay faragelin deg deg ah si loo soo afjaro go’doonka Israel ay ku soo rogtay marinka Gaza ee ay maamusho xukuumadda Xamaas.
Hay’adaha soo saaray baaqa ayaa waxaa kamid ah amnesty international, Save the children, WHO. Oxfam iyo shan hay’ado hoostaga Qaramada modoobay.
Hay’adahan oo si wadajir ah u soo saaray baaqa ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Gaza ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto islamarkaana Israel cadaadis lagu saaro in ay qaado go’doonka ay ku soo rogtay Gaza.
Hay’adahan ayaa tilmaamay in fashilka siyaasadeed uu marmarsiyo u noqday in 1.6 malayn oo filistiiniyiin ah ay noqdaan qaxooti ku nool xaalada adag.
Mid kamid ah hay’adaha ka howlgala Gaza ee hoostaga QM ayaa sheegtay in ay ku guul dareysatay in ay wax kaqabato barnaamij lagu howlgalinayo dadka aan shaqeyn islamarkaana hay’adu waxa ay carabaabtay in ay u baahan tahay 20 malyan oo dollar si ay u sii wado barnaamijyadeeda kale.
Hay’adahan ayaa tilmaamay in shan sano kadib dagaalkii Israel ay ku qaaday Gaza in inkabadan 1.6 malyan oo qof oo badankoodu yihiin carruur ay go’doon kujiraan taasi oo xadgudub ku ah xeerka caalamiga.
Daalacatey :570