4 Xaafadood oo u soo baxay Wareega samifinal-ka Kediska SBC & 4taas oo isdoortay

Caawa waxaa soo gaba gaboobay tartamadii 6da xaafadood ee ka soo baxay 24tii xaafad ee ka qeyb galay tartanka Kediska ramadaanka SBC waxaana iminka soo gaba gaboobay kulankii ugu dambeeyay ee Tartanka.

Waxaa la shaaciyay ka dib tartanka labadaasi Xaafadood 4ta xaafad ee u soo baxay wareega Semifinal-ka  ee Afarta Xaafadood waxaana taasi ay ka dambeysay ka dib markii kulanka caawa oo dhexmaray xaafadaha Laanta Hawada Boosaaso Vs Qoryacad Qardho ay guushu raacday Xaafada Laanta Hawada .

Waxaa loogu dhawaaqay sidan
Xaafada Xorgoble Qardho
Xaafada Laanbarwaaqo Ufeyn
Xaafada Laanta Hawda Boosaaso
iyo Xaafada Qoryacad oo ku soo baxday Dhibco tirsi, ka dib markii ay noqotay xaafada ugu dhibcaha badan Xaafadaha 6da ah ee tartamay.

Ka dib tartanka iyo ku dhawaaqista Xaafadan ayaa isla caawa waxaa la qabtay Qorituurka xaafadahan Soo baxay ee afarta ah, waxaana xarunta SBC isugu yimid 4 wakiil oo ka socday xaafadaha waxaana uu isku aadkooda u dhacay sidan.

Xaafada Qoryacad Qardho waxay ku dhacday Xaafada Xorgoble Qardho
Xaafada Laanta Hawada Boosaaso Waxay ku dhacday Xaafada Laanbarwaaaqo ufeyn.

Habeen dambe ayaa loo balamay in la qabto Tartanka 4tab Xaafad Waxana qeybta hore is arki doona xaafadaha Qoryacad Qardho Vs Xorgoble Qardho, halka qeybta labaadna ay kulmi doonaan Xaafada Laanbarwaaqo Ufeyn Vs Laanta Hawada Boosaaso.

 

Daalacatey :797

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print