Cawa waxa Tartan aqooneedka Kediska Bisha Ramadaan ee SBC International ku kuolmay 4 Xaafadood oo ka kala tirsan deegaanada Puntland.

Qeybtii hore ee Tartanka waxaa ku wada kulmay Xaafadaha Kala ah, New Boosaaso oo Magaalada Boosaaso ku taala iyo Wadajir oo Garoowe ku taala.

Tartanka labadaasi xaafadood ayaa ahaa mid aad u adag una xiiso badan, waxaana ugu dambeyn natiijadii xaafadahaasi ay ku soo dhamaatay, Bar bar dhac Wadajir 13-13 New Boosaaso

Waxaa ka dib la guda galay qeybtii labaad ee Tartanka, kaas oo ay ku wada kulmeen xaafadaha kala ah, Hanti Wadaag oo Garoowe ka tirsan iyo Kaambo oo Magaalada Qardho ka tirsan.

Tartanka labadaasi xaafadood ayaa ahaa mid aad u adag una xiiso badan, waxaana ugu dambeyn natiijadii xaafadahaasi ay ku soo dhamaatay,  Kaambo Qardho 10-13 Hantiwadaag Garoowe.