Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootey 4 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad laba maleeshiyo oo hubaysan ku dhexmarey tuulo ku dhaw degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.,

Iska horimaadkan oo salka ku haya dagaalo horey halkaasi uga dhacay oo dhexmarey maleeshiyo beeleedkaasi ayaa la soo sheegayaa in uu qarxay saaka iyadoo markii dambe iskiis uu u istaagey.

Dagaalkan aya ka dhacay tuulada Wabaale oo 40 Km u jirta degmada Bacaadeyne waxanaa jira warar sheegaya in halkaasi ay ku baxeen odayaal dhaqameed doonaya inay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedkan dagaalamay ee dhimashada & dhaawacu ka dhex dhacay.

Wixii warar ah eek u soo kordha xaalad dagaalkan kala soco SBC Online.