Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiiro uu ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha, kan amniga iyo Maaliyada.

Wafdigan safarkooda waxaa la sheegay in uu noqonayo hal maalin iyadoo halkaasi ay u tageen sidii ay kulamo ku aadan howlaha maamul usameynta goboladaasi ula yeelan lahaayeen maamulka KMG ah ee dowlada Iminka ugu matala Kismaayo.

Markii ay soo gaareen ka dib wafdiga waxa ay durbadiiba guda galeen kulamo ay la qaadanayaan dhinacyada Maamulka siiba hogaanka maamulka KMG ah kalana munaaqashoodaan ujeedooyinka rasmiga ah ee ay u socdaan,

Inkastoo aan laheyn faah faahin buuxda oo kulamada ka soo baxay, laakiinsarka wasiiradan waxa uu imanayaa xili uu dib u dhacay kulan weyne lagu balan sanaa wada tasho oo ay dowladu ka baaqsatay ka qeyb galkiisa.