Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday rag ay ku soo eedeysay in ay lidi ku ahaayeen amaanka ayna ka qeyb qaateen falal xarun dumis ah.

Eedeysane yaal tiro badan ayaa maanta la horkeenay maxkamada darajada Koobaad ee ciidamada qalabka  sida, waxaana eedeysane yaashaas ku kala eedeysnaayeen dembiyo kala duwan iyadoo ay ka mid ahaayeen eedaha loo heysto falal sharci daro ah oo ay ku dhaqaaqeen

Waxaa ka mid ahaa dadkii xukunku maanta ku dhacay taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Cabdi Maxamad (Indhabuur) oo isagu ku eedeysnaa in uu si sharci daro ah qaab qiyaano qaran ugaga sii daayay xabsiga eedeysane yaal ku eedeysaa dembiyo uu dil ka mid yahay.

Waxaay maxkamadu ku riday taliyaha xukun xabsi daa’in ah ka dib markii la eegay dimbiga uu galay iyo sharciga ka yaala waxaan ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamada sare Liibaan Cabdi Yarrow.

Dadkii la xukumaday waxaa iyana ka mid ahaa saraakiil kale oo qaarkood ay ka mid ahaayeen maxkamada ciidamada Qalabka sida.

Sikastaba ha ahaatee eedeymahan iyo xukunadan maanta lagu riday ragii la soo taagay maxkamada waa kuwo ku xiriirsan falal ku aadan musuq maasuq iyo qiyaano qaran.

 SBC International Muqdisho