Delhi:- Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa ku waramaya in 31 qof ay ku dhinteen shil isku dhac tareen iyo bas gobolka Awtaar Baraadiish koonfurta caasimadda Hindiya ee Delhi.

Tareenka oo ah nooca dheereeya ayaa burburiyey bas rakaabka saarnaa ay ahaayeen kuwo ka soo noqday xaflad aroos.

Weriye ku sugnaa goobta ayaa sheegay in tareenka uu gaariga baska uu ku jiiday masaafo dhan 500 oo miter xilli gaarigu uu ku hoos jiray taayarda tareenka.

Sidoo kale rikaabka saarnaa qeybta hoose ee gaariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus.

Dhaawaca ayaa loola cararay isbitaalada xilli kooxaha badbaadada ay wadaan dadaalka ay ugu jiraan ka soo saarista meydadka burburka baska.

Mid kamid ah dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa sheegay in uu fdhiyey salka hoose ee tareenka markii uu arkay tareenka oo ku soo socda uu oga digay darawalka balse uusan maqlin.

Waxaa xusid mudan Hindiya in ay kadhacaan tirada ugu badan ee dadka ku dhinta shilalka gawaarida caalamka, taasi oo sanadkasta ay ku dhintaan 100 kun oo muwaadiniinta Hindiya sida lagu sheegay tirakoobka booliska.