Sadex gabdhood oo u dhashay wadanka Hindiya isla markaana ah walaalo ayaa soo jiitay indhaha saxaafada iyo dadka dunida ku dhaqan ka dib markii uu ku dhacay mid ka mid ah cudurada naadirka ah ee aadanaha haleela.

Sadex gabdhood oo kala ah  Savita oo 23 sano jir ah, Monisha oo 18 jir ah iyo 16 sano jir Savitri ayaa waxaa gabi ahaanba jirkooda far iyo food hareeray timo, waxaana la sheegay in cudurkaasi uu ku dhaco dadka halkii milyanba hal qof.

Gabdhahan oo ku nool tuulo yar oo ku dhaw magaalada Pune ee bartamaha dalka Hindiya ayaa cudurka ku dhacay waxaa la sheegay in loogu magacdaray werewolf sisters ama gabadhihii yeyda ahaa, iyadoo taasi loola jeedo timaha jirkooda qariyey oo ka dhigay in ay u ekadaan xayawaanka Yeyda.

Sadexdan gabdhood ayaan haysan dhaqaale ay kula tacaalaan cudurkan, waxaana ay sheegeen in kareemo ay jirkooda mariyeen aanu wax ka tarin in uu cirib tiro tinta ka soo burqanaysa jirkooda.

Laakiin gabdhahan waxay sheegeen inay mar uun naawilayaan sidii ay u heli lahaayeen daawenyn dhanka caafimaadka gaar ahaan laser in lagu joojiyo tinta ka soo baxdeysa jirkooda.

Inkastoo gabdhahan walaalaha uu haysto dhibkan hadana rajo iyo hawo aduun ma ahan mid ka guurtey waxaana ay sheegeen inay niyada ku hayaan inay mar uun guursan doonaan oo ay yeelan doonaan qoysas iyo awlaad.

Anita Sambhaji Raut oo ah hooyada gabdhahan ayaa sheegtey in lix gabdhood ay dhashay ay sadexdan oo kaliya cudurkan timaha jirka ka soo yaaca qabaan.

Daaweyn ama qaliin loo adeegsado Laser wuxuu ku kacayaa 350 kun oo rupees  ama lacagta Hindiya taasi oo u dhiganta 7 kun oo doolar halkii gabar, laakiin qoyskan oo ah mid sabool ah way adag tahay in ay dhaqaalahaasi ay heli karaan.

Anita oo 40 sano jir waxay sheegtey in gabdhahan aabahadood uu geeriyooday sanadkii 2007-dii, isla markaana isagu qudhiisu uu qabey cudurkan.

Filim documentary ayaa haatan la diyaarinayaa kaasi oo lagu raadinayo dhaqaale gabdhahaasi lagula tacaalo, iyadoo sidoo kale la baadi goobayo rag gabdhan guursada oo mustaqbalkooda qayb ka qaata.

Savita oo ah tan ugu weyn gabdhahan ayaa sheegtey inay cream fara badan jirkeeda ku maluuqdo taasi oo ay ula jeedo in ay ku xakameyso tinta jirkeeda ka soo yaacaysa.

Inkastoo Savita dadaalkaasi ku jirto hadana waxay sheegtey inay dhibaato weyn ku qabto tinta faraha badan ee jirkeeda gaar ahaan wajiga ka soo muuqata, waxay sheegtey in xitaa ardeyda ay isku iskoolka ahaayeen ay ku caayaan tintaasi waxaana iyadoo arinkaasi ka sheekaynaysa tiri “ Markii aan aadi jirey Iskool;ka wiilasha iyo gabdhaha iskoolka waxay marka kasta ku qaylin jireen “Waji tinley, wajiyo ku timo badan, waji ku tinleey, fool xumo, lama eegi karo, yaan lala fariisan iyo hadalo kale”.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com