Xili uu   Hoos udhac   Balaran kajiro Qiimaha  Dolarka lacagaha Qolaad Ayaa waxaa cabasho ay ka soo baxaysaa Qaar ka mid ah Wadayaasha  iyo Rakaabka gaadiidka u kala Safra Magaalooyin ka Boosaaso iyo Haragaysa ayaa waxa ay Ka cabanayaan  Qiimo korar  ku yimid sicirka lagu raaco.

Qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka Kaxeeya ee Ukala goosha Harageysa iyo Bosaaso ee Maamulada Somaliand iyo Puntland ayaa xiligan waxa ay ka cabanayaan Qiimo korarkuyimi Qiimaha Cashuurta ay Qadaan labada Maamul.

Qaar ka mid ah darawalada oo la hadlayay SBC International ayaa sheegay in  ay aad qaali looga dhiigay cashuurta laga qaado inta ay ku socdaalayaan wadada isku xirta labada Maamul, iyagoona intaasi raaciyay in magaalo kasta la dhigay bar kontarolo lacago loogaga qaadayo.

Waxa ay sheegeen wadayaashani in aysan awoodin qarashka sidaasi u tirade badan ee ay qaadayaan maamuladaan, taasina ay ku kalifikarto qiima koror dhankooda ay ku sameeyaan rakaabka ku safra gaadiidkooda.

Sidoo kale Qaarkamid ah dadka Rakaabka ah  ee raaca gaadiidkan ukala safra  Magaalooyinka  Bosaaso iyo  Hargaysa ayaa dhankooda sheegay  in lacagata laga qaado ay tahay mid  aan waxba iskabadalin hadii uu Sarifka Hoos udhaco ama ku Kaco, taasna ay ku tahay dhankooda caqabad,

Cabashada ka sooyeeraysa  Wadayaasha  iyo  dadka Rakaabka ah ayaa waxay Imaanaysaa  Xili hoos udhac  Baaxad leh uu ku yimid waayadii ugu dambeysay Qiimaha Lacagta  doolarka  iyadoona ay waxba iskabadalin Qiimaha kale ee Maciishada ee Dalka,

Casiiso Muuse
SBC International Boosaaso