Duq Degmada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi ayaa Kulan saxaafadeed uu maanta ku qabtay waxa uu jawaab celin ka bixiyay hadal ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaas oo ku saabsanaa dhaliilo uu u soo jeediyay dastuurka cusub ee umada SOomaaliyeed loo sameeyay, isagoona sheegay in dastuurka uusan ku qorneyn caasimada Soomaaliya.

C/casiis Nuur ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Dhigiisa Muqdisho mr Tarsan uu yahay Mid Carqaladeen ku ah Habsami u socodka Ansixinta Dastuurka DKMG ah ee Soomaaliya, oo aana loo baahenyn in xiligan laga hadlo wax ka hor imanaya Dastuurka FDKMG ah, maadaama uu gaba gabo marayo.

Waxa uu hadalkiisa ku xusay Duqa Garoowe in Dastuurkan Qodobada ku jira ay ka soo shaqeeyeen Madaxda sar sare ee DKMG ah ayna ka doodayaan odayaasha dhanka ka dibna ansixintiisa loo gudagalidoono

Duqa waxa uu ugu baaqay Duqa Magaalada Muqdisho in uu joojiyo Hadalada Dhaleeceenta ku ah howlaha dastuurka islamarkaana aan aheyn howl u taala isaga,

Waxaa sidoo kale uu dhaliil dusha ugaga tuuray rag uu ku sheegay in ay afhayeen u yihiin beelaha Muqdisho kuwaasi oo dhankooda ka wada Hadalo lagu carqaladeynayo Dastuurka, waxaanu u sheegay dadkaasi in ay danahoodaka raacdaan farahana kala baxaan arimaha dastuurka.

Sikastaba ha ahaatee Hadalka C/casiis Nuur Cilmi duqa magaaalada Caasimada u ah Puntland ee garoowe waxa uu imanayaa xili maalin nimadii shalay shir jaraaid uu saxaafasda ugu sheegay duqa Magaalada Muqdisho in dastuurka aysan ku qorneyn in Magaalada Muqdisho ay tahay Caasimada dalka, laguna qoro hadii kale se aysan waxba soconeyn waasida uu hadalka u dhigaye.

C/casiis Ok
SBC INternational Garoowe