Caawa waxay ku beegan tahay 26-ka June waa sanad guuradii 51-aad ee markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciida Soomaaliyeed, isla markaana calanka buluuga ah ee xidigta shanta gees ku leh uu hawada babado.

26-ka June sanadkii 1960-kii habeenimadii 6 saac ama 12-kii saqdii dhexe waxaa calanka laga taagey fagaare ku yaal magaalada Hargeysa, iyadoo xaflad lagu qabtey habeenkaasi goobtaasi dhulka la dhigay ama la dajiyey calankii guumaystihii Ingiriiska waxaana birtii calanka Ingiriiska laga dajiyey la suray calanka buluuga ah ee Soomaaliyeed.

Habeenkaasi dadkii goob jooga ahaa waxay sheegeen in Soomaalidu ay ilmeysay Ingiriiskuna ilmeeyey, maxaase u sabab ahaa?

Ilintii Saraakiishii, maamulkii & ciidamadii mustacmarkii Ingiriiska.

Calanka boqortooyada waxaa la sheegay in waligiis qoraxdu ka dhicin taasi oo macnaheedu ahaa in wadankaasi uu haystey ama guumaysan jiray wadamo fara badan oo ku kala yaal cirifyada aduunka, kuwaasi oo uu ka taagnaa calanka Ingiriiska, waxaa ka mid ahaa wadamadaasi Mareykanka, Australia, wadamo ka mid ah Latin Amerika & Afrika, taasi oo keentey in hadii ciida calankaasi suran yahay oo ka mid ah wadanka Australia ama New Zealand uu ka taagan yahay Mareykanka ama wadamada Latin Amerika oo xiligu lala duwan yahay, hadii kuwaasi qoraxdu ka dhacdana uu ka taagan yahay cirifka bari.

Hadaba saraakiisha & madaxdii mustacmarkii Ingiriisku wuxuu la ilmeeyey in calanka qiimahaasi iyaga ulahaa in caawa oo kale laga dajiyo Waqooyiga Soomaaliya oo ka mid aheyd wadamadii ku jirey gacanta guumaystayaasha waxaana halkaasi ilin ka timid saraakiishii & madaxdii Guumeystayaashii Ingiriiska. 

Halkaasina waxaa ku soo dhamaaday sanooyin uu ka talinayey goboladaasi guumeystihii Ingiriiska. (Player-ka hoose ka dhageyso hees qiimo badan oo ka hadlaysa 26-ka June)halkan ka dhageyso heesta 26-ka June

Madaxdii xisbigii SYC, wakiiladii ka socdey SYL, odayaashii & dadweynihii Soomaaliyeed ee habeenkaasi goob jooga ka ahaa xafladaasi ilin ayaa soo joogsatey indhahooda, waxaana taaasi sabab u ahaa in markii ugu horeysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago ciida Soomaaliyeed, iyagoo taasi rumaysan waayey, waxayna halkaasi ilintu uga timid farxad & iyo waliba filin waa, taasi  oo ay dadkii halkaasi joogay iyo halgamayaashii xornimada ay yaqiinsadeen inay tahay bilowgii isku keenidii Soomaali weyn oo aheyd mabda’a ay ku taagan yihiin, niyadooda iyo qalbigoodana ma aheyn in qabiil loo noqdo oo qoom qoom la isku magacaabo sida maanta muuqata oo tuulo kasta ay sheeganayso dawlad & rag aan xishooneyn oo degmooyin inay madaxweyneyaal u yihiin aan ka xishooneyn oo qaarkood cadow & shisheeye u adeegaya.

Habeenkaasi waxaa halkaasi ku sugnaa oo suugaan dhaxal ah oo quluubta inta wadaniyiinta ah ku keydsan ka jeediyey Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed C/laahi Suldaan Timacade, suugaantaasi oo uu tiriyey ama uu ku dhawaaqay daqiiqadii calanka guumeystihii Ingiriiska la dajiyey isla markaana lagu badaley calanka Soomaaliyeed oo hawada babaday.

Suugaantaasi oo aheyd “Sareeyow ma nusqaamow, aan siduu yahay eegee, kanna siib kanna saar”. (Player-ka hoose ka dhageyso gabaygii C/laahi Suldaan Timacade)Halkan ka dhageyso gabayga Timacade

Hadaba 26-ka June waxay ugu fadhidaa bulshada Soomaaliyeed qiimo aad u weyn, waxaana ay baaqi ku ahaan doontaa quluubta wadaniyiinta ah ee aan sinaba ku aaminsaneyn in wadankooda loo kala qoqobo xerooyin qabiil, waxaana maalin uun ILAAH idinkiis wadaniyiintu rajeynayaan in Soomaali toosan oo is raacsan la helo, lagana gudmo qabiilka oo si xun loo adeegsadey, duliga & damiir xumida maanta Soomaali haysta.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com