23 qof oo ku dhintay dagaal kadhacay magaalada kufra ee dalka Libya

Tripoli:-wakaalada wararka farance Press oo soo xiganaysa goobjooge ayaa sheegtay in ugu yaraan 23 qof ay dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacantay iska hor imaad ku dhexmaray magaalada kufra ciidanka Libya iyo kooxo ka soo jeeda qabaa’ilka Tabwa koonfurta bari ee dalka Libya.

Wararka ayaa intaas ku daray in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jiraan carruur iyo dumar halka amaanduulaha ciidanka Libya uu sheegay in saddex kamid ah ciidankiisa la dilay.

Qabaa’ilada Al-tabwa iyo Zaawiya ayaa ku dagaalamay maalintii sabtida xadka Libya la leedahay dalalka Chad iyo Sudan halkaasi oo ay xukuumadda u dirtay ciidan si loo joojiyo dagaalada soo jireenka ah ee u dhexeeya labada beelood.

Miftaax Abuu Khaliil oo xubin ka ah golaha maxaliga ayaa sheegay in beesha Al-tabwa ay weerar ku soo qaaday magaalada balse ciidamada ay dib u celiyeen.

Mid kamid ah madaxdhaqameedka qabaa’ilka Al-tabwa ayaa sheegay in beeshiisa lagu soo weeraray magaalada oo kun iyo boqol km ka xigta koonfur bari caasimadda Libya ee Tripoli.

Mas’uul katirsan ciidanka qaranka Libya ayaa xaqiijiyey iska hor imaadka wuxuuna carabaabay in baaritaan ku sameenayaan iska hor imaadyada xukuumaduna ay sameenayso waajibkeeda baaritaana uu socdo.

Waxaa xusid mudan in golaha qaranka KMG ay u direen ciidan magaalada Kufra bishii febaraayo ee la soo dhaafay kadib markii ay dhaceen iska hor imaadyo labada qabiil ee ugu balaaran dalka Libya ee Al-tabwa iyo Al-zaawiya taasi oo sababtay dhimashada inkabadan boqol ruux.

 

UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII