Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame ayaa ka warbixiyay Ololaha Caafimaadka ee Iminka ka soconaya gobolada Puntland maadaama ay soconayaan maalmaha caafimaadka .

Wasiirka ayaa saxaafada u sheegay in iminka uu sameynayo Kormeero uu ku saabsan dhanka caafimaadka oo uu ku marayo deegaanada gobolada Puntland .

Waxa uu sheegay in Kormeeradaas qaarkood uu ku soo maray deegaano ka mid ah gobolada Karkaar iyo Haylaan qaas ahaan Dhahar iyo Sheerbi uuna ku soo arkay Goobaha caafimaadka, isagoona intaasi ku daray in ay si habsami leh u soconayaan howlaha caafimaadka.

Wasiirka oo saxaafada kula hadlayay Hotelka Alaamin ee Magaalada Qardho ayaa intaasi ku daray in wasaaradiisu ay siweyn ugu howlan tahay kobcinta Ololaha Caafimaadka ayna siweyn isha ugu heyso midka iminka ka soconaya deegaanada Puntland ee Talaalka.\

Dhinaca kale waxa uu baaq u jeediyay dad uu sheegay in ay talaalka ama ololaha caafimaadka Caruurta iyo hooyada iyo kuwa kaleba ka aaminsan fegrado qaldan siiba hooyooyinka ama waalidiinta uuna u sheegayo in ay iska daayaan kuna kalsoonaadaan waxyaabaha uu caafimaadku ku jiro.

Si kastaba ha ahaatee wasaarada Caafimaadka ee Puntland ayaa fariisimo ku kala leh sida u sheegay wasiirku dhamaan deegaanada Puntland kuwaasi oo qabtay howlaha caafimaad ee deegaanadaasi ka jira.

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho.