Wararka deg dega ah ee naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaal maanta duhurkii halkaasi ka qarxay kaasi oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwo maleeshiyaad deegaanka ah.

Waxaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxaana muuqaneysa in uu ku sii fidayo dagaalka xaafada howlwagaad iyo xaafadaha ka agdhow iyadoona uu sababay khasaare sida iminka wararka lagu hayo.

Ku dhowaad 3 qof aya la xaqiijiyay in ay dagaalkaasi ku nafwaayeen  dadkaasi oo isugu jira rayid iyo dhinacyada dagaalamaya, waxaana uu dhawacu marayaa inta laga warhayo 8 qof .

Waxaa sidoo kale jira Hadalo ka soo baxaya Ciidamada DKMG ah gaar ahaan ciidanka Dagaalka ku jira oo ah kuwa Dooxada Shabeele waxaana uu sheegay afhayeenka maamulkaasi ninka lagu magacaaboMaxamed Nuur Dawashe cagajoof in dagalka ay ku gacan sareeyaan ciidamadooda ayna la dagalamayaan sida hadalka uu u dhigay Maleeshiyaad lagu tuuhmay in ay ka taageersanyihiin xarakada Alshabaab oo ay iyagu halkaasi ka qabsadeen.

Waxii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe
C/Casiis Okey
SBC International Garoowe