Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.3 (magnitude) ayaa kudhuftay xadka ay wadaagaan wadamada Iran iyo Ciraq.

Ugu yaraan 330 qof ayaa geeriyooday halka dad lagu qiyaasay 3,500(sadex kun iyo shanboqol) oo kalena dhaawacyo gaareen.

Haya’adda Sahanka Cilmiyada-dhulka ee Maraykanka (USGS) ayaa Axadii shalay sheegtay, in dhulgariirka xoogan uu kudhuftay Halabjah oo kutaala gobolka sulaymaaniya ee waqooyiga wadanka ciraaq.

Waxa la aaminsanyahay in inta badan dadka Dhibaatadu kasoo gaaratay Dhulgariirkaasi ay kusugnaayeen sarbul-saxaab oo kutaal Iran.

Warbaahinta Iran ayaa kuwaramaysa in kooxaha samatabixnta lageeyey goobaha looga cabsi qabo in tirada dhimashadu ay sare ukacayso.

Wadanka Iran waxa uu kamid yahay wadamada ugu Dhulgariirka badan caalamka.

Sanadkii 2003 dhul gariir lagu qiyaasay 6.6 magnitude ayaa waxa uu dhulka lasimay magaalada taariikhiga ah ee BAM ee koonfur bari Iran ,iyadoona ay kudhinteen 26,000 (labaatan iyo lix kun) oo qof.