Wararka ka imaanaya Koonfurta suudaan gaar ahaan gobolka Jonglei ayaa ku waramaya in 20 ay halaasi ku dhinteen ka dib markii qabiilo deegaankaas degan ay wada dagaalameen.

Walaaca isku dhaca qabiilka ayaa waxaa uu imaanaya xilli Qaramada Midoobay ay dhawaan deegaanadaas u soo dirtay ciidamo dhexgala dhinacyada dagaalka iyo xiisadu u dhaxayso

Golaha amaanka ee QM ayaa waxaa ay walac ka muujisay xiisada ka jirta gobolka Jonglei,waxayna ku tilmaamantay talaabo u baahan in si taxadar leh loo wajaho

Dowlada koonfurta suudaan ayaa dadaal xoogan ka geysanaysa sida loo xakameyn karo xiisada ay 20ka qof ku dhinteen waxaana QM ay ku tilmaantay talaada Dowlad Mid loo baahnaa

Dadaalka Suudaan iyo QM waxaa uu ku aadan yahay sidii loo samatabixin lahaa dadka reer sudaan ee u dagaalamaya habka Qabiilka taasi oo iminka la damacsan yahay in hubka laga dhigo Dagaalyahanada Qabaa’ilka.

SBC International Monitoring