Waxaa Caawa si Rasmi ah u bilaaban doona Lugtii Wareega 8 ee loogu baxayay Samifinalka Koobka Laatiin Ameerica ee 43 kaan soconaya Dalka Arjantiin ,kulamada Caawa qorsheysan inay dhacaan kan sida weyn loo hadal hayo waa midka darbiga ah ee u dhaxeeya Xulalaka Arjantiin vs urugway oo ah 2 wadan ee ugu Qaadis Badan Koobka laatiin Ameerica kuwasoo in ka badan 10 jeer kala qaaday waxaana Caawa tii badisa ay u talaabi doontaa Wareega Samifinalka.

Kulamada Caawa dhici doona kan hore waxa ku balansan Xulalka Kolombiya vs Peru,halka kan xiga ee la wada sugayo uu u dhaxeeyo ForLan (Urugway) vs MESSI ( Arajantiin ).

Xulka Arajantiin oo kulankii u dambeeyay ee Costa Rica soo bandhigay Ciyaar soo jiidatahy Taageerayaasha Arjantiin ayaa la is weydiinayaa kan Caawa ay la leeyihiin VOrlan,Zuwarez iyo Cavanima soo bandhigi doonaan Ciyaar la jecleysto walow ay hortaagan yihiin Xul aan dab yar shideyn oo ah Urugway.

Habeen danbe baraasiil vs Baraway oo hore isku guruub B ugu wada jiray islana dhaafi waayay 0-0 ayaa markale qori tuurkii isku beegay ,sidoo kale Venezuela iyo Xulka la loodin la yahay ee Chile ayaa iyaguna Ciyaar yeelan doona habaen danbe.

Hadaba Xulalaka Kolombiya,Arjantiin,Baraasiil iyo Chile ma u rumoobi doontaa Riyadooda ah inay u gudbaan Sami finlak Koobka 43 ee Laatiin Ameerica 2011 kana soconaya Dalak arjantiin 1-24 Luuliyo 2011 mise is badal ka duwan midkaasi ayaa imaan kara maadam cad iyo madow ay tahay kubadu .

Waxaa diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle (uurdoox)
uurdoox2011@hotmail.com