Caawa waxaa loo guda galay tartamadii wareega 6da Xaafadood ee Kediska Ramadaanka SBC, kaas oo ay ku kulmeen 4 xaafadood.

Waxaa ay xaafadaahi kala ahaayeen xaafada Biyo kulule Boosaaso Vs Xingood Qardho, waxaana dhexmaray Tartan aad u xiiso badan, iyadoo ugu dambeyntii uu ku soo dhamaaday guushiina ay ku raacday xaafada Xingood Qardho, iyadoo la timi dhibco dhan 14 Dhibic halka Biyo kule ay la timi dhibco dhan 12.

Waxaa sidoo kale isla caawa wada tartamay xaafadaha Xorgoble Qardho Vs Hodan Garoowe, kuwaas oo ay iyana kulankoodii uu ku soo dhamaaday 15 oo ay la timi Xaafada Xorgoble Qardho halka Xaafada Hodana ay la timi Dhibco dhan 14.

Sidaasi waxaa wareega Afarta caawa ugu soo baxay labada Xaafadood eek ala ah Xingood iyo Xorgoble oo labaduba Qardho ka soo jeeda .

Waxaa Xusid iyo Xusuusinba mudan in Barnaamijkan Tartan Aqooneedka ah ee ay SBC International Sanad walba Bisha Ramadaan u Qabato Xaafadaha Deegaanada Puntland ay si joogto ah Maalgelin ugu sameyso Shirkada Isgaarsiinta Geyigeena ee Golis Telecom Soomaalia, Golis Waa Wehelka Barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC, Golis Hanoolaato!.

    Khaalid Cayuuni
     SBC International
khaalidcayuuni@gmail.com