Koox maleeshiyo Soomaali ah oo la aamisan yahay in ay yihiin burcad badeed ayaa la xaqiijiyey in ku siidaayeen lacag madaxfurasho ah oo aad u fara badan laba nin oo u dhashay wadanka Spain oo ay afduub u haysteen mudo bilooyin ah.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo José Alfonso García &  Alfonso Rey, ayaa waxay la socdeen dooni kaluumaysi oo ku gooshaysay calanka wadanka Mozambique, doonidaasi oo lagu magacaabo FV VEGA 5 ayaa burcad badeedu waxay qabsadeen bishii December ee sanadkii hore.

Nin ka tirsan duqeyda dhaqanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in lacag gaaraysa 7 milyan oo doolar dusha looga soo tuurey kooxdii burcad badeeda ee haysatey labada nin ee Spanish-ka, isagoo uu sheegay wakaalada wararka ee AFP in lacagtaasi ay aheyd tii ugu badneyd ee uu abid arko.

War ka soo baxay wasaarada arimaha deegaanka ee Spain ayaa lagu xaqiijiyey siideynta labadan nin waxaana la sheegay in lagu siidaayey lacag malaayiin doolar gaaraysa oo madaxfurasho ah.
Doonidii ay wateen kaluumaysatadan ayaa markii ay qabsadeen maleeshiyada Soomaalida waxaa bishii March ee sanadkan weerar ku qaadey ciidamada badda ee dalka Hindiya kuwaasi oo doonidii dajiyey isla markaana diley 9 ka mid ah 24-kii shaqaalaha ee doonida saarnaa isla markaana horey u sii watey 61 maleeshiyada Soomaalida kuwaasi oo haatan lagu hayo wadanka Hindiya.

Inkastoo siideynta labadan nine e Spanish-ka ay xaqiijisay wasaarada deegaanka ee dalakasi hadana wasaarada arimaha dibada Spain waxay sheegtey inaanay xaqiijin karin siideynta labada muwaadin.
Laakiiin mid ka mid ah wargeysyada caanka ah ee ka soo baxa wadanka Spain ayaa xaqiijiyey in warar si hoose uu uga helay dawlada Spain ay xaqiijinayaan siideynta labada nin, iyagoo haatan ay gacanta ku hayso ama la soo wareegtey shirkada Kaluumaysiga ee lagu magacaabo  PESCANOVA, iyadoo dawlada Spain ay codsatey inaan saxaafada lagala hadlin arinta siideynta labadan nin ee badmareenka ah

 Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xaasaska labada nin ee la siidaayey ay xaqiijiyeen siidenta.

Dawlada Spain ayaa la sheegay in ay ogolaatey bixinta lacagta aadka u badan ee madaxfurashada lagu siidaayey labada nin, iyadoo diidey dalab ka soo yeeray burcad badeeda oo ahaa in labada nin lagu badasho rag ay saaxiibo yihiin oo lagu hayo wadanka Spain kuwaasi oo dhawaan lagu xukumay 439 sano oo xarig ah.

Halkan ka akhri warbixintii hore ee SBC ka qortey dalabkii afduubayaasha labada nin

Keyse Caamir
SBC News Desk