Dhul gariirkan oo ka dhacay Deegaanada Koonfurta wadanka Bolivia 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa sababay qasaare baahsan oo burbur ah oo soo gaaray dhismayaal kala duwan oo ku yaala wadanka Bolivia.

Saraakiisha gargaarka degdega ah ee wadanka Bolivia weli ma sheegin khasare nafeed oo ka dhashay dhulgariirka wadanka Bolivia ka dhacay waxaana dhulgariiirka wadanka ku yaala qaarada laatiin America uu noqonayaa kii ugu xogaanaa ee Abid halkaas ka dhaca.

Dowlada Wadanka Bolivia ayaa shacabka kala hadashay warbaahinta ayaa u sheegay in dadka wadankaasi ay ka taxadaraan dhismayaasha dhaadheer gudahooda xilliyada ay soo baxaan digniinahaa la xiriira dhulgariirada waxaana inta badan Dadka Loogu baaqay inay muujiyaan taxadaro dheeraad ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dhulgariir ka dhacao deegaano ka tirsan Wadanka sannadkii 1994tii ayay ahayd markii uu dalkaasi ruxay dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 8.2 Cabirka dhulgariirad kaasi oo shan qof ku dilay Wadankaasi tiro kale oo intaas ka baadana ku dhaawacay.

Keyse C/rashiid Cismaan
SBCInternational News Desk