Koox Ciyaaryahano kubadda Kolayga ah oo mataleysa Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug ayaa Guulo wax ku ool ah u soo hoyay markii ugu horeysay 15sano ka dib dalkan Soomaaliya .

Ciyaaryahanadan ayaa ka qeyb galay Kulan ciyaareed ay ku tar tamayeen ciyaar yahano ka kala socda magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Africa kaas oo ku qabsoomay dalka Ugandha looguna magacdaray International City Game , waxayan ka gaareen ciyaaryahanada Magaalada Gaalkacyo oo Soomaaliya ugaga qeyb galay heer Same Finle ah .

Kooxda Mataleysay magaalada Gaalkacyo ayaa muujiysay Tar tan cajiib ah oo siweyn loowada jecleestay intii uu soconayay Koobkan u dhexeeya magaalooyinka, taasina waxaa cadeyn u noqotay markii abaal marinadii koobkan la bixinayay oo lagu xusay in ama lasiiyay magaaladii ugu fiicneyd tartanka.

Tartankii ugu dambeeyay ee sida dirqiga ah loogaga soo reebay kooxda Gaalkacyo waxa uu ahaa mid heer Samefinle ah loogu soo baxayay, waxayna la qaadatay kooxda mataleysay Magaalada Mokono oo ka tirsan Dalka Uganda, waxayna ciyaartoodii ku soo dhamaatayh 58-71.

C/qani Carabey oo ah Gudoomiyaha hogaaminayay Kooxda ka socotay Gaalkacyo ayaa Faah faahin buuxda ka bixiyay Siyaabihii kala duwanaa iyo heerarkii kooxda gaalkacyo ka soo martay tartankan

DHAGEYSO WAREYSI AANU KA QAADNAY RIIX AMA DAAR

Waxa uu Mr Carabey sheegay in tartankan oo mudo 15sano ah ay noqoneyso markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ka gaarto heer samefinale uu ahaa mid lagu farxo siweynna ay u soo dhaweeyen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Soomaalida ku xiran tartamada Sportska Caalamka iyo africaba.

Waxaa kale oo uu Mahad u celiyay Hogaamiye Carabey shirkado ay ka mid yihiin Amal Express iyo Golis Telecom oo uu sheegay in ay kaaliin mugleh ka qaateen fududeynta ka qeyb galka tartankan ay ka qeyb gashay Magaalada Gaalkacyo.

Dhinacyo kale oo badan ayuu ka waramay C/qani Carabey isagoo tilmaamay in ay jiraan bahi badan oo xaga sports-ka ah, muhiimna tahay in la helo tageero xag aqoon iyo xag dhaqaale Waxayna taas ku imaan kartaa markii ay talaabo dhanka horumarineed u qaadaan dadka dibada iyo dalka jooga.

Ugu dambeyntii kooxda Ciyaaryahanada ka qeyb galay tartankan ee magaalada gaalkacyo rajadoodu tahay sdii ay u muujin lahaayeen kati intaas ka badan ugana qeyb qaadan lahaayeen sanadada soo socda koobkan si ay u keenaan gudaha dalkan siiba Magaalada Haalkacyo.

DSC06302 DSC06306 DSC06315 DSC06321 DSC06345 DSC06346 DSC06350 DSC06356 DSC06359 DSC06391 DSC06395 DSC06402 DSC06403 DSC06477