Abuja:- Goobjooge ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ah meel u dhow kaniisad magaalada Bawaaji woqooyiga dalka Nigeria.

Waxaa la’aamisan yahay in ugu yaraan 40 kale ay ku dhaawacmeen.  Kooxna ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas.

Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Nigeria ay kadhaceen mowjado rabashado oo ay kooxda Boko Xaraam sheegatay in ay kulugu lahayd.

Dadka deegaanka Bawaaji ayaa sheegay in nin uu isku dayey in uu galo deerka ku hareereesan kaniisadda, kadibna uu isku qarxiyey deerka kaniisada.

Qaar kamid ah dadka ku dhintay goobta ayaa ku dhintay gudaha kaniisada halka qaar kalana ay ku dhinteen kaniisadda dibaddeeda.

Weriye katirsan BBC-da ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa kaniisad kale oo ku taal isla goobta balse ka weyn tan qaraxa loo geystay.

Jamaacada Boko Xaraam oo macnaheedu yahay tacliinta reer galbeedka waa mamnuuc ayaa ah koox Islaami ah, oo reer  Nigeria ah, waxaa la sheegaa in ay doonayaan in ay afgembiyaan dowladda oo majaraha u taagaan dowlad cusub oo islaami ah.

Ilaa iyo hadda waxaa lagu eedeeyey in ay dhibaatooyin waaweyn ka geysteen  dalka ugu dadka badan ee qaaradda afrika, iyadoo ay agaasimeen qaraxyo badan oo dad lagu laayay.

Qiyaas la sameeyey ayaa muujineysa in sadexdii sano ee lasoo dhaafay weeraro ay qaadeen raga ka tirsan  urur diimeedka  boko xaraam ay dalka nayjeeriya ku dileen dad tiradooda lagu sheegay  1000 qofood , oo ay xitaa ku jiraan dad muslimiin ah oo laakiin fikir ahaa  dhaliilsanaa  go’aanada iyo talaabooyinka uu qaadanayay ururkan boko xaraam.

UStaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring