Haay’ad VSF Germany ayaa maanta soo afmeertay 4 mashruuc oo ay kawaday qaar kamid ah deegaanada Puntland kuwaas oo qayb ka ah afar iyo toban mashruuc oo ay ka hirgalinayso Puntland .

Munaasabad loo qabtay miradhalka mashaariicdaas ayaa waxaa ka qayb galay wasiirada  xanaanada xoolaha , arimaha gudha ,iyo wasaarada ganacsiga oo ah wasaaraha uu quseeyey mashaariicda ay haayadu sheegtay in ku guulaystay hirgalintooda

Madaxa hayaada VSF Germany oo ayaa sharaxday waxa aya qabteen iyo meelaha ay ka fuliyeen wax qabadkooda  waxaana ay sheegtay in mashruuca kowaad uu yahay mid ay ku daaweynayeen xoolaha Puntland oo ay daweeyeen inka badan nusmilyan xoola ah

Kan labaad uu yahay  dhistaanka  meelaha xoolaha laga rararo oo laga dhisay gaalkacyo ilaa boosaaso dhismayaashas oo sahlaya in xoolaha si howl yar baabuurta loo saaro xiliyada la dhoofinayo

Mashruuca sedexaadna dhismaha suuqyada Hilibka iyo Caanaha oo laga dhisay  Gaalkacyo, Galdogob iyo degmada Xarafo

Midka afraadna waxay ku sheegtay in qodeen waraha biyuhu galaan xiliyada roobabka oo ay reer miyigu aad ugu baahnayeen iyo samaynta wadooyin bacaad ahaa  ay dhibaato ka haystay gaadiidku in ay maraan oo hada lagu guulaystay in lahagaajiyo isla markana ay agabyadii loo isticmaalay fulinta afarta mashruuc ay ku wareejiyeen wasaarada xanaada xoolaha oo ay sigaara ugala shaqeeyaan daawaynta xoolaha.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha siciid xasan shire ayaa soo dhaweeyey shaqada ay qabatay haayadu isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay uuna umahad celinayo hawl karnimada ay mujiyeen.

Ugu dambayntii wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faraax Maxamed oo kamid ah wasiirada ay quseeyeen mashaaricda dhamaatay ayaa dhankiisa qiray in VSF Germany shaqa muhiim ah qabtay isla markaana ay muhiimyihiin dhamaan mashaariicda dhamaatay dhanka kale waxaa uu ka codsaday haayada in ay wax ka qabtaan bacaha uu sheegay dhibaato balaaran ku qabaan  degaanada Puntland ayna muhiim tahay in wax laga qabto.

SAWIRO

 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.