Kulan kaan oo ah mid looga magacdaray hor marinta gobolka nuugaan ayaa waxaa maanta ku kulmay hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka nuugaal iyo maamulka gobolka kaasi oo looga wada hadlayay sidii loo hormarin lahaa howlaha gobolka ay haya’ada ka hayaan

Waxaana kulan kaasi ka soo qayb galay dhamaan hay’adihii loogu yeeray iyo mas’uuliyiinta gobolka kaasi oo ka dhacay howlka shiraarka xarunta gobolka nuugaal ee magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha gobolka nuugaal cabdi xirsi cali ayaa waxaa uu sheegay in ay hay’adaha  wax ay ugu yeereena ay tahay  maslaxada gobolka nuugaal uu ula jeedo wadashaqayn ay yeeshaan  hay’adaha iyo maamulka gobolka waxyaabaha ay ka wadashaqeeyaan waxyaabaha ay ka mid ka yihiin Hormarka Amaanka iyo xiriirka dowlaga ee larabo in laga wadashaqeeyo

Sidoo kale waxuu sheegay gudoomiyaha gobolka nuugaal inay hay’ada ay soo maraan xafiiska dhawaan ay magacaabeen ee xafiiska hormarinta gobolka

Kulankaani ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay waxqabad ka hay’ada ka howlgala gobolka nuugaal ayaa waxaa looga wadahalay dhinacayo badan oo ka mid ahaayeen sidii laysku xiri lahaa wadashaqaynta hay’ada iyo maamulka gobolka nuugaal

Sidoo kale waxkulankii maanta ay wadayeesheen hay’adaha ka howlgala gobolka nuugaal iyo maamulka gobolka  xiriiryaha hormarinta  gobolka nuugaal cabdulaahi cade ayaa sheegay in waxyaabaha  lay kaga baahan yahay ay tahay wadashaqan wanaagsan oo dhax marta hay’ada iyo maamulka gobolka waxuuna sheegay in far kaligeed ay san fool dhaqayn sidaasi darteedna ay loo wada baaahan yahay in ahayduhu ay maamulka  lashaqeegaan islamarka ay soo maraan xafiiska xiriiriyahay hormarinta gobolka

Kulan ka oo ahaa mid in tiisa badan diirada ku saarayay waxqabada hay’ada gobolka  ayaa waxaa dhinac hay’adaah kulakaasi maan ta dhaxmaraya maamulka gobolka iyo hay’adaha u hadlay  nuur shire cismaan oo sheegay in ay tahay wax wanaagsatahay in ay kulamaan hay’adaha iyo maamulka gobolka ayna wadshaqeeyaan

Kulanka maanta ay wada qaateen  hay’ada ka howlgalagobolka nuugaal iyo maamulka gobolka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili mudooyinkii ugu dambeeyay uu maamulka gobolka nuugaal dhaliilsanaa wadshaqaynta hay’adaha ka howlgala gobolka nuugaal.

 DAAWO

 

Cabdi casiis ibraahim Axmed (C/casiis okey )
SBC International Garoowe