News

12 qof oo ay ka mid yihiin xildhibaano & siyaasiyiin ku dhintey qaraxii Dhuusamareeb

Breaking-News-Image

Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo uu fuliyey qof isqarxiyey kaasi oo lala eegtey goob ay ku sugnaayeen xildhibaano, siyaasiyiin, wasiiro ka tirsan dawlada iyo waliba dadweyne fara badan oo ku taal magaalada Dhuusamareeb, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyey geerida 12 qof oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo waliba dadweyne kale.

Dhimashada dadka la yaqaan

Ilaa iyo hada waxaa naloo xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen xildhibaano ay ka mid yihiin Yuusuf Mire Seerar & Cabdiwali Aw Max’uud, sidoo kale waxaa jira dad kale oo goobta ku geeriyoodey.

Dhaawaca

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo horey xilal wasiir uga soo qabtey dawladii hore ee KMG ah gaar ahaan xukuumadii Nuur Cade, ninkaasi oo ka mid ahaa mulkiilayashii Idaacadii iyo Tv-gii Horn Afrik.

Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaarey xildhibaan Xuseen Warsame Samatar oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid lagu bartilmaameysanayey siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dawlada KMG oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb kuwaasi oo halkaasi u tagey dhismaha maamul deegaankaasi uu yeesho.

Warar faahfaahsan kala soco SBC

3 Comments

  1. ali

    yes good news

  2. Daa imkaa mahadaa leh. Nin dadkiisa gubaaya. Nin dalkiisa siraaya. Nin diintiisa gadaaya. Ninka doortay aduunka. Daba mayrka amxaarka. Ilaahay ha duleeyo. Jahanamaa degmadiisa. Ilaahay haduleeyo.dabin bay udhigeen cayrowgii diinta uhiishay. Da.yarta noo carbinaayey .dagaalaayey kufaarta dimoqraadiga diiday.digniin bay uyihiin. Murtidiinta dadkeena. Mushrikiinta dalkeena. (aad baan ugu faraxsanahay odayaasha dastuurka ansaxinaya meel kasta halagu dilo.waqtigii indhaha lasaaro yaan loo eegin qabiil iyo qaraabo ninwalbow ehelkaaga diinta xagal daacinaya kabilow

  3. alx alle ayaa kumahadsan taaaasi

Leave a Reply

SBC is a registered trademark for Somali Broadcasting Corporation, Ltd.