Isbahaysiga carabta ee uu horkacayo Sucuudigu ayaa shaaca ka qaaday in 12 askari oo ay ka mid yihiin taliyayaal sar sare ay ku dhinteen diyaarad dagaal oo ku burburtay Yemen.

Isbahaysiga ayaa sheegay in diyaaradan dagaalka ee burburtay ay ahyd nooca loo yaqaano Blackhawk, oo ah nooca Maraykanka lagu sameeyo , islamar ahaantaana ay ku burburtay agagaarka Marib ee bariga caasimada Sanca.

Wakaalada wararka ee rasmiga ah ee Sucuudga ayaa sheegtay in aan wali lagaranayn sababta dhabta ah ee keentay in diyaaradani ay burburto ama ay soo dhacdo,islamarkaasina uu socdo baaritaanka lagu xaqiijinay sababta .

Bishii hore ayay ahayd kolkii falaagada xuutiyiintu ay sheegeen in ay soo rideen diyaarad dagaal oo ah nooca, Apache oo ah agagagaarka dekeda Xudeyda, ee badda cas.

Sida lawada ogyahay 7600,000 oo qof ayaa ku dhimatay , halka 42,000 oo ruuxna ay ku dhaawacmeen, ilamaa xiligii uu dagaalka sokeeye ka dilaacay Yaman .

Dhimashadan ayaa inta badan waxaa gaystay duqaymo aysi wada jir ah u fuliyeen Sucuudiga iyo isbahaysiga oo taageero siinaya madaxwaynaha debed jooga ah ee Cabdi Rabi Mansour Hadi.