Ugu yaraan 11 qof oo shacab ayaa ku dhintey 20 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii duqeyn xaga cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee duuliye la’aanta ah Koonfurta Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa maanta oo sabti ah ka dhacdey deegaanka Hoosingow sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaana sidoo kalena la soo sheegaya in mid ka mid ah diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Mareykanku ay ku soo dhacdey deegaanka Biliuls Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Diyaarada ku soo dhacdey deegaanka Bilis Qooqaani ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah oo ka agdhawaa halka diyaaradu ku soo dhacdey.

Duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee nooca duuliye la’aanta ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya ayaa sii kordhaya mudooyinkii la soo dhaafay, taasi oo dhibaato weyn ay ka soo gaarayso dadka shacabka ah.

Dawlada Mareykanka ayaanay jirin cid kula xisaabtameysa dadka shacabka ah ee ay dhimashada iyo dhaawaca u geysanayso, mana jirto wax magdhow ah oo laga bixiyey ilaa iyo hada dadkii rayidka ahaa ee wax ku noqdey dhacdooyinka ay geystaan wadamada shisheeye.

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com