Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari dad shacab ah ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday deegaanka Daniga Baalow oo galbeed ka xiga Balcad.

Gaarigan oo ahaa hoomey ayaa waxaa saarnaa Haween beeraley ah, waxaana ay marayeen jidka wareega ah.

Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in ilaa 11 ay ku dhinteen, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee ay la kacday gaariga rakaabka ah ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordho, maadaama aanay deegaanka laheyn goobo caafimaad oo tayeysan.

“Waxaan arkay maydka wax yar kadib markii qaraxu dhacay, waxaan qabaa in bartilmaameedka weerarku yahay askar millatari,” ayuu u sheegay Al Jazeera Qof Goobjooge ah.

Baska La beegsaday ayaa u socday magaalada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay Harun Cismaan, oo deggan degaanka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, laakiin al-Shabaab waxay weerarradaas oo kale ka fulisay caasimadda bilihii dhawaa.

Tana iyo bilawgii sanadkan, in ka badan 20 qarax ayaa lagu beegsaday Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 630.

Weerarkii Sabtidii 14kii Oktoobar Ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 358 qof halka in ka badan 400 ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa eedeyneysay weerarkii Sabtidii lagu qaaday Isgoyska Zoobe, al-Shabaab, laakiin kooxna ma sheegin xasuuqaasi.

MAXAA SOO CEL-CELIYA WEERARADA MUQDISHO ?