11 ciyaaryahan ee ay ka kooban yihiin Kooxda aduunka ee FIFA 2012+SAWIRO

Lix ciyaartoy oo u dhashay Spain kana mid ah kooxaha Barcelona & Real Madrid ayaa ka mid noqdey 11-ka ciyaaryahan ee loo aqoobsadey kooxda aduunka ee FIFA 2012, xaflad ka dhacdey wadanka Switzerland.

11-ka laacib ayaa kala ah ayaa dhamaantood ah sadex kooxood oo Spain ka dhisan oo kala ah Barcelona, Real Madrid & Atletico Madrid , waxayna kala yihiin.

Goolhaye: Iker Casillas (Real Madrid & Qaranka Spain)

Difaaca: Dani Alves (Barcelona & Qaranka Brazil,  Gerard Pique (Barcelona & Qaranka Spain), Sergio Ramos (Real Madrid & Qaranka Spain), Marcelo Real Madrid & Qaranka Brazil)

Dhexda: Xabi Alonso (Real Madrid & Qaranka Spain, Xavi Hernandez(Barcelona & Qaranka Spain, Andres Iniesta (Barcelona & Qaranka Spain)

Afka hore(Weerarka): Lionel Messi(Barcelona & Qaranka Argentine), Radomel Falcao (Atletico Madrid & Qaranka Colombia), Cristiano Ronaldo (Real Madrid & Qaranka Portugal).

Kooxdan waxaa sanadkan guud ahaan laga waayey laacibiinta horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo lagu tilmaamo horyaalka dunida ugu xiisaha badan, waxaana la iswaydiinayaa maxaa loogu soo dari waayey Didier Drogba xidigii hore ee kooxda Chelsea & qaranka Ivory Coust ee qaarada Afrika oo isagu ku guuleystey koobka loogu xiisaha badan yahay qaarada Yurub ee  Champions League-ga, isagoo dhaliyey goolkii ugu dambeeyey ee rigoorada ee kooxda Chelsea ay ku qaaday horyaalka Champions League-ga, iyo waliba goolkii kooxda Barcelona looga dhaliyey lugtii hore kulankii semi-final-ka ay u baxdey Chelsea.

Sidoo kale waxaa la iswaydiinayaa Robin van Persie, oo ah xidigii hore ee kooxda Arsenal haatanse u ciyaara kooxda Manchester United oo sanadkii 2012-kii dhaliyey  36 gool.

 SBC News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII