Xisbiga Dhex-dhexaad ka ah ee uu horkacayay ee Emmanuel Macron ayaa ugu danbayntii doorashooyinkii Faransiiska ku guulaystay , wuxuuna guul daro diray haweenaydii la tartamaysay ee Marina LePen , si uu unoqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee ugu da’da yaraa ee madaxwayne noqda taariikhda wadankaas.

Macron oo 39 jir ah ayaa madaxwayne noqday kadib markii uu helay dhibca dhan 66.06 codadkii lagu kala harayay.

Madaxwaynaha cusub ee Faransiiska Emmanuel Macron oo ka ka hadlayay xafladii guushiisa ayaa sheegay hadalo ay ka mid yihiin “ waxaa inoo furmay bog cusub taariikhda siyaasadeed ee dalkeena,aniguna waxaan doonayaa in bogaa cusub uu noqdo mid kalsooni iyo rajo inoo noqda”.

Macron ayaa balanqaaday xiligii uu ku sugnaa munaasabada guushiisa, in uu ilaalin doono dadka qaybahooda daciifka ah.Isagoo xaqiijiyay in uu ka dhabayn doono nabadgalyada umada .

Musharaxdii latartamaysay ayaa qiratay guuldaradeeda iyadoo sheegtay in ay soo dhawaynayso ruuxa ay u udoorteen shacabka Faransiiska in uu hogaamiyo dalkan, yadoo intaasi raacisay shacabka Faransiiska waxay doonayaan oo keliya in ay sii socoto isla siyaasadii hore dalka uga jirtay.

Afhayeen u hadlay midowga Yurub ayaa isaguna sheegay in shacabka Faransiiska ay doonayaan kamid ahaanshaha midowga Yurub.

Dhanka kalena madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa u hanbalyeeyay madaxwaynaha cusub ee Emmanuel Macron Isagoo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray.

Xukuumada Fransiiska ayaa qaadatay talaabooyin amaan oo aad u ad adag, iyadoo hwlgelisay ciidamo lagu sheegay in ay gaarayeen 50,000 oo askari si ay usugaan nabadgelyada doorashada oo keliya.

Sidoo kale doorashada Farnsiiska ayaa fursad u heshay in Midowga Yurub oo dhan ay dusha kala socdaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada doorashadaasi, maadaamoo ay ahayd doorasho masiiri u ah midowga Yurub laftiisa.

SAWIRRO :

Asia Abshir Aadan

SBC International