Waxaa manta Salaadii Duhur ka dib lagu aasay Qabuuraha Biyo kulule ee Boosaaso Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Puntland kaasi oo saaka salaadii subax ka dib lagu dilay Boosaaso.

Aaska Marxuum Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa ka soo qeybgalay Kumanaan ka mid ah shacabka Magaalada Boosaaso Masuuliyiinta Maamulka Puntland Culimo waaweyn iyo Dhalinyaro waxaana dareenka dadka aaska Marxuumka Joogay laga dheehan karay Murugo iyo inay ka tiiraanyeysan yihiin Dilka Marxuumka loo geystay Saaka .

Ka dib aaska Eebe ha u naxariistii Marxuum Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa goobta kula hadlay Codbaahiye shacabka Goobta joogay Culimada kala Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Sheekh Daahir Awcabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo dhamaantood muujiyay sida ay uga xunyihiin in qof muhiim u ah shacabka Puntland si xaqdaro ah loogu dilo Magaalada Boosaaso.

Sheekh Daahir Aw cabdi oo ka mid ah Culimada Puntland ayaa goobta ka akhriyay Taariikh kooban oo ku aadan noloshii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu sheegay in Dr-ka ay wada ahaayeen Saxiibo muddo dheer isaga oo dada Marxuumka ku sheegay 53 sanno jir islamarkaasina ifka uga tagay 6 caruur ah iyo 4 xaas.

DAAWO SAWIRADA 
   








SBC International News