(DIGNIIN VIDEO & SAWIRO NAXDIN LEH) Iyadoo maalinimadii khamiistii ee bishan October ku beegneyd 20 lagu diley magaalada Sirta ee wadanka Liibiya hogaamiyihii hore ee dalkaasi Col. Macamar Al-Qadaafi ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qaabkii loo dilay, waxaana golaha qaranka KMG ee Liibiya dawlad ahaanta loogu aqoonsan yahay ay ku adkeysanayaan in Qadaafi uu ku dhintey israsaaseyn dhexmartey kooxaha u daacada u ah dagaalyahanka mucaaradka.

Laakiin muuqaalada Video-yada ee soo baxaya ayaa muujinaya in Qadaafi nolol lagu qabtey oo ay dileen kooxaha mucaaradka xili kolonyo gaadiid oo galbinaysay duqeyn ay u geysteen diyaaradaha dagaalka ee NATO, isagoo xiligaasi ka baxsanayey magaalada Sirta oo uu ku dhashay uuna ka dagaalamayey mudo todobaadyo ah balse laga awood badiyey ciidamadiisa.

Ra’isalwasaaraha cusub ee Liibiya Mahmoud Jibril ayaa ku doodaya in Qadaafi geeridiisa iyo sida loo diley uu aad uga xunyahay uuna ka qoomamaynayo taasi oo uula jeedo in ay aheyd in Qadaafi cadaalada la horkeeno oo uu ka jawaabo sida uu sheegay Jibriil dambiyadii uu galey Qadaafi.

Ehelada & Qaraabada Col. Qadaafi ayaa isafgarad la gaaray xukuumada KMG Liibiya sidii meydkiisa loogu soo wareejin lahaa oo ay ugu aasi lahaayeen deegaanada qabaa’ilkiisa, iyadoo shuruudo tahay in meel qarsoodi ah lagu duugo.

Hadaba muuqaal cusub oo soo baxay oo si qarsoodi ah saxaafada loogu soo baahiyey ayaa waxaa lagu arkay nin sheegtey in uu ahaa ninkii gacantiisa ku diley Col. Qadaafi kaasi oo magaciisa qariyey balse wajigiisa aan qarsan oo waliba sheegaya sidii uu u diley hogaamiyihii Liibiya 42 sano ee la soo dhaafay isla markaana isku caleemo saarey boqorka boqorada Afrika.

“Waxaan u diley digtaatoorka anigoo u dulqaaday waayey ama qaadanba waayey in nolol lagu wado” ayuu yiri ninkankani.

“Waxaan ka soo jiidnay god, dhawr mar ayaan madaxa iyo wajiga ka garaacay, laakiin waxaa jiray qaar ka mid ah dagaalyahanka oo doonayey inay wataan, waana sababta aan u go’aansadey inaan ka toogto xabadka iyo madaxa laba goor” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ninkan sheegtey in uu diley Qadaafi.

Muuqaalka Video ayaa waxaa ka muuqanaya Qadaafi dharkiisii oo laga siibay isla markaana dhiig badani uu ka muuqdo wajigiisa, iyadoo qaylo iyo buuq ay sameynayaan kooxda qabatey oo u muuqatey inaanay laheyn nidaam ciidan aysana jirin xad diin iyo mid kale oo ay xushmo qadarin u hayeen.

Markii ay godka soo jiideen ayay ugu dhaqaaqeen inay meel kasta kala dhacaan haraati, feerk, qori liifkiis, qori baadkiis iyo wax kasta oo gacan qabad ah, waxaana muuqanaysa in qof kasta oo ka mid ah kooxdaasi uu u ciil qabey ama u baxsanayey si uun mar uu gacanta ula helo Qadaafi oo u muuqdey liibaax geel qaad ah oo hawd cidlo ah ay ka heshay geelay careysay.

Waxa kaliya ee wanaag ah ee laga maqli karey kooxahaasi arxan laawayaasha ah ayaa ahaa kelmada “ALAAHU AKBAR” oo ay meel qaldan iyo xili qaldan u adeegsanayeen, iyadoo laga maqlay hal qof oo hal mar leh LAA LAA LAA….oo loo qaatey in uu diidanaa sidii loola dhaqmayey Qadaafi, waxaase ka awood badnaa maryo calasta nidaam la’aanta ah ee ILAAH  ka cabsi iyo xushmo bini’aadam aanay ku jirin, waayo hadiiba ay wax uun ka garanayaan xuquuqda aadanaha, xeerarka dagaalka ee maxaabiista ama shareecada Islaamka wax uun jileec ah ayay u muujin lahaayeen Col. Qadaafi oo ay heerkaasi gaarsiisay macangagnimo, isla weyni, madax adag iyo xukun jecel.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha oo ka qaylinaya qaabkii loo dley Qadaafi.

Hay’adaha xuquuqda aamdiga ee Amnesty International & Human Rights Watch oo iyagu Qadaafi mudo ku eedeynayey in uu masuul ka yahay dilka, jirdilka, gumaadka & cabsi galinta malaayiin reer Liibiya ayaa haatan waxay la soo taagan yihiin cambaareynta qaabkii loo diley Qadaafi, iyagoo sidoo kale ku doodaya in si heer caalami ah loo baaro qaabkii dhimashadiisa, taasi oo sidoo kale ay taageerayso laanta u qaabilsan xuquuqda aadanaha Jimciyada qaruumaha midoobay.

Omran al-Oweib, oo isagu ahaa taliyihii madaxda u ahaa kooxdii gacanta ku dhigtey Col. Qadaafi ayaa qiray in xaaladu ay faraha ka baxdey, ka dib markii ciidamo dhalinyaro ah oo ay isku dayeen in ay nolol ahaan ku wadaan Qadaafi.

Link video-ga hoose ka daawo muuqaalada cusub ee geerida Col. Qadaafi ee argagaxa leh.
HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mustafa Abdul-Jalil oo ah hogaamiyaha golaha qaranka KMG ah ee Liibiya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Benghazi wuxuu ku shaaciyey in la dhisey gudi baaritaan ku sameeya dilkii Qadaafi.

Hadalkii ugu yaabka badnaa ee qadaafi uu sheegay ka hor daqiiqado dilkiisii

Nin ka mid ahaa kooxdii qabatey Qadaafi ayaa sheegay in Qadaafi hadalkii ugu yaabka badnaa ee ay ka maqleen uu ahaa isagoo ku yiri “I dhageysta waxa aad sameynaysaan ma garanaysaan, waxa qaldan iyo waxa saxana ma kala taqaanaan, war anigu maxaan idinka haleeyey oo aan idiin dhimay” hadalkaasi oo uu sheegay in uu ku abuuray qosol iyo yaab, maadama sida ninkaasi oo magaciisa ku soo koobay Abu Mohamed uu sheegay in dhalinyarada Qadaafi qabatey ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda magaalooyinka Benghazi & Miserat oo ciidamada daacada u ah Qadaafi ay ka geysteen xasuuq.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.allsbc.com